Ciidammo Gaar ah oo Baydhabo la Geeyay iyo Xildhibaanno Cabasho ka keenay Ciidamadan

Baydhabo (PP) ─ Ciidammo tirada lagu sheegay 80-askari oo ka tirsan kuwa booliiska Soomaaliya oo si gaar ah u tababaran ayaa maanta la geeyay magaalada Baydhabo, halkaasoo lagu wado in 05-ta bisha December ee soo socda ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulkaas.

Laba diyaaradood oo gaar ah ayaa ciidankan laba jeer oo kala duwan Baydhabo geeyay iyagoo ka dajiyay garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaasoo muddo kooban kaddib laga qaaday, waxaana xilliga ay dagayeen garoonka ku sugnaa xubno ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada la geeyay saldhigga booliiska Baydhabo oo ay haatan ku suggan yihiin,, waxaana durba shir jaraa’id oo ay arrintan uga cabanayaan ku qabtay Baydhabo xubno ka tirsan Baalamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaannada Koonfur-galbeed.

Xildhibaan Sh. Aadan Madoobe oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Somalia, isla markaana ka mid ah xildhibaannada goob-joogga ka noqonaya doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo ayaa tallaabadan ku sheegay mid la doonayo in lagu carqaladeeyo doorashada dhacaysa.

“Ciidamadan waa kuwo la doonayo in lagu carqaladeeyo doorashada lagu wado inay Baydhabo ka dhacdo, waana wax aan garan la’nahay sababta loo keenay Baydhabo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sheekh Aadan Madoobe, ayaa hadalkiisa ku daray in madaxweynaha DF ay u direen warbixin ay kaga cabanayaan ciidamadan iyo fara-gelin uu sheegay in lagu hayo doorashada la fliayo inay dhawaan ka dhacdo Baydhabo.

Tallaabada ciidamadan lagu geeyay Baydhabo ayaa waxay imaanaysaa xilli ay magaaladaas ka socdaan ololayaal ay wadaan musharraxiinta hoggaanka maamulkaas u tartamaya oo tiradoodu ka badan tabay toban musharrax.

Dhanka kale, Horay ayaa waxaa magaalada Baydhabo loo geeyay gaadiidka aanay rasaastu karin, kuwaasoo la sheegay in Dowladda Federaalka ay ugu talo-gashay inuu ku socdo mid ka mid ah musharraxiinta maamulkaa oo la sheegay inay dowladdu wadato.

Ugu dmabeyn, Doorashada Hoggaanka sare ee maamulka Koonfur-galbeed ayaa waxaa xubnaha ku tartamaya ka mid ah afhayeenkii hore ee Kooxda Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo sannadkii hore kasoo goostay Al-shabaab.

PUNTLAND POST