Cabdiwali Gaas oo war ka soo saaray doorashada Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray qoraal lagu faragalinayo doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha iyo ku xigeenka.

 Madaxweyne Gaas ayaa qoraalka ku sheegay in beelaha Puntland ay Baarlamaanka cusub u soo gubiyaan Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/ 2018, iyagoo ku dadaalaya in ay khilaafka ku soo dhameystaan dhexdooda.

Sidoo kale Cabdiwali Gaas ayaa qoraalka ku sheegay in kalfadhiga ugu horreeya Baaralamaanka cusub ee Puntland furmi doono 01/01/2019, iyagoo doorashada Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka dooran doona inta u dhexaysa 1-da ilaa 6 Janaayo 2019, wuxuuna intaas ku daray in doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenku dhacayso 8-da Janaayo 2019.

Warka ka soo baxay Cabdiwali Gaas ayaa faragalin ku ah shaqooyinkii Guddiyada ansixinta iyo xalinta khilaafaadka xulista Baarlamaanka, doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka, kuwaas oo iyagu awood u leh in ay cayimaan xiliga ay qabanayaan howlahaas.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa warkan soo saaray, isagoo aan wali soo magacaabin Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ahayd shaqada ugu horeysa ee doorshada.

Cabdiwali Gaas ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in uu ku dhawaaqo musharax Madaxweyne Puntland 2019.

PUNTLAND POST