Askari ka tirsan Booliiska Puntland ayaa ku dhintay, 4 qof oo Kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray Weerar ay xalay kooxo hubaysan ku qaadeen isgoyska Gaaca ee magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Wararku waxay sheegayaan in kooxda hubaysan ay gaadmo ku dileen hal askari, laba kalena ay dhaawac u gaystay, kadibna waxaa xigtay Bambo gacmeed ay tuureen iyo rasaas xoog leh oo socotay qadar daqiiqado ah.
Sidoo kale laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhashay Bambo gacmeedka iyo rasaasta ay iswaydaarsadeen Ciidamada amniga iyo kooxdii weerarka soo qaaday.
Laamaha amniga Puntland weli kama aysan hadlin dhacdada,hase yeeshee malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi.
PUNTLAND POST