Wariye caan ah oo Maydliisa laga helay Guri uu ka Degenaa Duleedka Caasimada Lubnaan

Beirut (PP) ─ Wariye lagu magacaabo Gavin Ford oo ka shaqeyn iray dalka Lubaan ayaa maydkisa laga helay guri uu ka daganaa xaafadda Beit Mery oo ku taalla dulleedka caasimadda dalkaas ee Beirut.

Gavin Ford wuxuu u dhashay dalka Britain balse wuxuu muddo sannado ah ka shaqeynayay dalka Lubnaan, waxaana la helay iyadoo maydkisa uu dhiig aad u badan ka baxay, lamana oga sababta loo dilay iyo cidda dishay, balse booliiska dalkaas ayaa sheegay inay illaa hadda og-yihiin inuusan u dhiman si dabiici ah oo la dilay.

Sidoo kale, Booliiska Lubnaan ayaa sheegay in gaariga wariyaha la xaday, markii ay damceen inay kusoo wargeliyaan wariye Ford in gaarigiisa la xaday ayaa waxay ka war-heleen meydkiisa oo dhiig ka buuxo.

Wargeys la yiraahdo Al-Nahar oo laga leeyahay Lubnaan ayaa daabacay in wariyaha gacmihiisa ay isku xirnaayeen, iyagoo sheegeen inay tuhmayaan in la jir dilay ka hor inta aanan nafta la dhaafin.

Dhanka kale, Hiba Aboud oo ka mid ahayd shacabka sida weyn ugu tixnaa wariyaha ayaa sheegtay inay aad kaga naxday dilkiisa, iyadoo tiri: “Waxaan dhageysan jiray illaa yaraanteydii, wuxuu ahaa wariye shacbiyad leh, waana ka xumahay inaan wayno qof nagu qaali ah.”

Ugu dambeyn, Boliiska dalka Lubnaan ayaa ayaa ballan-qaaday inay gacanta kusoo dhigi doonaan ciddii ka dambeysay dilka wariyahan, iyadoo aysan jirin cid illaa hadda sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa.

PUNTLAND POST