UHURU: Soomaaliya waxaan kasoo gadanaynaa kalluun iyaguna qaadka ha naga iibsadaan

Nairobi (PP) ─ Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo maanta booqday goob wax-soo-saarka Soomaaliya lagu soo bandhigayay, kaddib markii uu soo dhammaaday shirkii looga hadlayay dhaqaalaha Badaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka iibsanayaan kaluunka.

Mid kamid ah hawl-wadeenada suuqa lagu soo bandhigay wax-soo-saarka Soomaaliya ayaa u sharaxayay Madaxweyne Kenyatta kheyraadka Soomaaliya, gaar ahaan kalluunka, isagoo sheegay inay doonayaan kalluunka Soomaaliya.

“Dhab ahaan waxaan doonaynaa in kalluunka Soomaaliya aan u soo dhoofinno Kenya, dhanka kalena ay Soomaalidu naga iibsadaan qaadka ama jaadka,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhawaan ay Xukuumadda Kenya ku dhawaaqday inay joojinayso kalluunka ay ganacsi ahaanta uga keensato dalka ay dariska yihiin ee Tanzania, sababo dhanka dhaqaalaha ah.

Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkiisa loo qaaday laba dhinac, waxayna dadka qaarkood ku tilmaameen mid kaftan ah, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen inay dhab ka tahay oo uu doonayo in kalluunka Soomaaliya ganacsi ahaan loo geeyo Kenya.

Dalka Kenya ayaa 90% badeecooyinka ay u dhoofiyaan Soomaaliya ayaa ah qaadka ama jaadka, waxaana sannadkiiba ay ka helaan dhaqaale ka badan 8.02 bilyan oo lacagta Kenya ah.

Ugu dambeyn, Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis aan cago badan ku taagnayn oo iskaashi ganacsi ah, kaasoo illaa hadda la sheegay in dheelli-tirkiisu uusan sax ahayn, isla markaana uu u janjeero dhanka Kenya oo maalin kasta qaad-jaad tiro badan u soo dhoofisa Soomaaliya.

PUNTLAND POST