Madaxweynaha Puntland oo markii ugu horraysay booqanaya degmada Dhahar

Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqanaya magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ku qotoma u kuur-galka nolosha bulshada ku dhaqan degmada Dhahar,waxaana uu halkaasi ka daah-furayaa  mashaariic kala duwan oo dhanka horumarinta ah,isagoo sidoo kalena dhagax-dhigi doona kuwa cusub,sida xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Socdaalka mudane Gaas ayaa noqonaya markii u horraysay ee madaxweyne Puntland uu booqdo degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland oo kamid ah degaannada ay wada-sheegtaan Puntland iyo Somaliland.

Dhinaca kale socdaalka ayaa ku soo aaday xilli madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqasho ku joogo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag,isagoo kulamo halkaasi kula yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada.

PUNTPAND POST