GIDG oo soo dhoweeyay go’aankii Aqalka sare

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa si kalsooni leh u soo dhoweeyay go’aankii shalay ka soo baxay guddiga Aqalka sare ee u xil-saaran xal u helidda khilaafka xukuumadda Federaalka iyo GIDG.

War-muriyeed ka soo baxay Golaha islaashiga oo uu ku saxiixanyah guddoomiyaha Golaha ahna madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa lagu sheegay in ay Aqalka sare kala shaqeynayan xal u helidda khilaafka jira ee salka ku haya fulin la’aanta xukuumadda Federaalka ee wixii lagu heshiiyay,sida qoraalka loo dhigay.

PUNTLAND POST