Duqeyn laga soo sheegayo degaanno ka tirsan gobolka Mudug

Wararka ka imaanayaa koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay duqeyn diyaaradeed lagu garaacay tuulada Goodirleey oo u dhow degaanka Caadka ee ka tirsan degmada Xarardheere.

Duqeynta ayaa si gaar ah loogu beegsaday xarun ciidan oo malayshiyaadka Al-shabaab ay ku leeyihiin tuulada Goodirleey,sida laga soo xigtay qaar kamid ah dadka degaanka.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya duqeynta,balse faahfaahin dheeri ah kama sii bixin.

Waxaa adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay duqeynta,maadaama ay yartahay xogta laga heli karo degaankaasi oo ay Al-shabaab ka taliso.

Maalmahan dambe waxaa soo banayaa duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu garaacayo nawaaxiga degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug,kuwaasoo la sheegayo in  ay geysanayan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Maraykanka.

PUNTLAND POST