Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo xalay toogtay xaaskiisa oo xaamilo ahayd


Jowhar (PP) ─
Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee degmada Jowhar, Ibraahin Maxamed Cali (Cali Dheere) ayaa la sheegay inuu xalay xafadda Hanti-wadaag uu ku dilay xaaskiisa oo Xaamilo ahayd.

Shacabka xaafadda la daggan ayaa xaqiijiyay in haweeneyda la dilay lagu Magacaabi jiray Jamiilo Sheekh Cali Ibraahim, ayna muddo wada-joogeen maareeyaha garoonka diyaaradaha Jowhar.

Dadka deegaanka ayaa xusay in Maareeye Cali Dheere uu dilka xaaskiisa u adeegsaday rasaas, isla markaana uu madaxa kaga dhuftay dhawr xabbo oo sababay inay isla goobta lagu toogtay ku geeriyooto.

Sidoo kale, Ehelada Marxuumadda ayaa sheegay inay aad uga naxeen falka dilka ah ee loo gaystay Gabadhooda oo Xaamilo ahayd, uuna dilay ninkii ay u dhaxday, iyagoo sheegay inaysan ogeyn sababta uu maareeyuhu u dilay xaaskiisa oo uur u lahayd.

Dhanka kale, Ciidamada Booliska Jowhar ayaa la sheegay inay soo qabteen gacan-ku-dhiiglaha dilay xaaskiisa, haddana uu ku xiran yahay Jowhar, isla markaana ay faahfaahin ka bixin doonaan sida ay wax u dhaceen saacadaha soo socda.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo mas’uul jago sar ka haya maamulka HirShabele uu dil u geysto xaaskiisa lamana oga go’aanka kama dambeysta ah ee laga qaadan doono maareeya xalay dilay xaaskiisa, arrintan oo aad uga fajanisay shacabka ku nool degmada Jowhar iyo nawaaxigeeda.

PUNTLAND POST