Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) ayaa ku wargeliyay musharrixiinta xilka madaxweynaha ee imaanaya guud ahaan gobolka Nugaal in ay laba maalmood ka hor imaatinkooda sii ogaysiiyan maamulka.
Mudane Gu’jir ayaa Sidoo musharrixiinta u sheegay in aysan qabsan karin shirar iyo xaflado aysan ka war-qabin guddiga amniga gobolka Nugaal.
Tallaabadan ayaa loo qaaday sida guddoomiyuhu sheegay sugidda amniga musharrixiinta iyo guud ahaan amniga gobolka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.