Ergayga QM ee Somalia oo si adag uga hadlay Qarxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Gaalkacyo


Muqdisho (PP) ─
Wakiilka Gaarka ah ee aramada Midoobay u Qaabilsan Somalia, Nicholas Haysom ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho ee lagu dilay sheekh caan ahaa iyo tiro kale oo ah dad rayid ah.

Danjire Haysom ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa Muqdisho ku yiri: “Weerarradii maanta lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka.”

“Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.” ayuu yiri Ma rkale Haysom.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii aroortii hore shalay lagu qaaday xarun uu leeyahay wadaadka Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi ee ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale, Warbaahintu waxay sheegtay in Wadaadku uu horey kooxda jihaad doonka uga helay hanjabaad ah inay dili doonaan.

Ugu dambeyn, Gaari miineysan ayaa lagu qarxiyay suuq mashquul ah oo ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla degmada Wadajir ee Muqdisho shalay galab, waxaana ciidamada amniga Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen qof laga shakisan yahay inuu ku lug lahaa.

PUNTLAND POST