Aqalka sare oo sheegay in ay soo afjareen khilaafkii dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah

Guddiga Aqalka sare ee dhexdhexaadinta DFS iyo DXDF

Guddigii Aqalka sare ee dhexdhexaadinta dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa maanta ku dhawaaqay in ay soo dhameeyeen dadaaladii lagu soo afjarayay khilaafkii labada dhinac.

Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ahaa Guddoomiyihii guddigii Aqalka sare u saaray in ay xog-uruurin ka sameeyaan khilaafka Puntland iyo Federaalka ayaa warbaahinta u sheegay in soo afjarida khilaafka labada dhinac ku timid dadaal ay sameeyeen Golaha Aqalka sare oo howshan mudo ku howlanaa.

Sidoo kale Senator Faroole ayaa sheegay in Aqalka sare ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen dadaallo ku aadan sidii ay u qaadan la haayeen doorkooda ku aadan dhameynta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Guddiga Aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa soo gudbiyay siddeed qodob oo cabasho oo ay ka siman yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, kuwaas oo la doonayo in ay wax ka qabato dowladda dhexe.

Cabashooyinka ay siman yihiin dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe

  1. Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka.
  2. Ka howlgelidda dhismaha  ciidama qaranka iyo sugidda amniga.
  3. Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka.
  4. Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.
  5. Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.
  6. Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.
  7. Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran
  8. Faragelin la’aanta doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe

Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo guud iyo afar midba gooni u yahay dowlad goboleedyada oo ah nuxurka tabashooyinka.

Sidoo kale Aqalka sare ayaa sheegay in dhawaan Muqdisho ay imaanayaan madaxda dowlad goboleedyada dalka si loo dhameystiro heshiiskan.

Lama oga jawaabta ay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ka bixin doonaan go’aanka ka soo baxay Guddiga Aqalka sare ee dhexdhexaadinta labada dhinac,

Hoos ka dhageyso Warbixin wariyaha PP ee Muqdisho Cowke

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho