Xubno ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo Tababar uga socdo Kenya

Xubno isugu jira masuuliyiin iyo shaqaale oo kala socda Madaxtooyada dawladda Puntland iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa tababar aqoon kororsi ah u jooga waddanka Kenya.

Xarumaha bixiyey casumaadda tababarkaan ayaa ayaa waxaa kamid ah Xafiiska Madaxweynaha Kenya, Wasaaradda Qorshaynta, Xarunta Iskaashiga gobollada, Jaamacadda Nairobi iyo Xarumo kale oo Muhiim ah.

Ujeedada ugu muhimsan ee tababarkaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa tayada  iyo shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland iyadoona ay shaqaalahaan ka socda Puntland ay booqasho kusoo wada mareen dhammaan xafiisyadaasi si’ay u arkaan qaababka kala duwan ee ay u shaqaynayaan xafiisyada dawladda Kenya.

Dawladda Puntland iyadoo kaashaanaysa Mashruuca tayaynta shaqaala ee CIP oo Baanka adduunka ka caawiyo Puntland ayay dedaal u gashay sidii ay kor ugu qaadi lahayd tayada shaqaaleheeda iyadoona biyodhaca qorsheyaashani ay noqon doonaan sidii bulshada Puntland loo gaadhsiin lahaa adeegyo tayo leh.