RW Kheyre oo shir gudoomiyay shir looga hadlayay Amniga

Ra’isilwasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay dib-u-habaynta qorshayaasha amniga dalka.

Shirkaasi ayaa waxaa sidoo kale looga hadlayay arimo la xariira taageero beesha caalamka ay siiso Soomaaliya oo ku aadan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Shirkaasi waxaa si wadajir ah u shir gudoominayay Ra’isilwasaare Kheyre iyo Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb.Don Yamamoto .

Ra’isilwasaare Kheyre oo kulankaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageero siiyaan Soomaaliya.

“Waxaa la joogaa xilligii la samayn lahaa maal-gelin waqtiga la jaanqaadaysa, si toos ahna looga wada qayb qaato fulinta qorshayaasha Qaranka ee amniga dalka lagu sugayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirkaasi waxaa kaloo ka soo qeeybgalay xubno sar sare oo ka socdo beesha caalamka wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo xubno katirsan wasiirada Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Sawirada

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho