Nin horay ugu been abuurtay Nabi Muxamed oo lagu diley qarax ka dhacay Gaalkacayo

Nini layiraahdo Cabdiwali Cali Cilmi yare oo koox badan ku heystay Koonfurta magaalada Gaalkacyo isaga iyo qaar badan oo kamid ah xertiisii ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah iyo weerar toosa oo Al-shabaab ay ku qaadeen magaalada Gaalkacyo.

Ninkan ayaa horay u sameeyey sawir been abuura oo uu ku sheegay Nabi Muxamed SCW, wuxuuna Galkacayo ka wadey qorshayaal u ku fidinaayo wax yaabo ay culimada Soomaaliyeed ku tilmaameen inay dhan ka tahay Diinta Islaamka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada lagu dilay Cabdiwali Cali Cilmi Yare, iyada oo sidoo kale sheegtay in ay dileen 11-kale oo ay sheegeen in ay ahaayeen ilaaladiisa.

Ciidamada Galmudug ayaa soo afjaray weerarkii saaka Al-shabaab ay ku qaadeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

PUNTLAND POST