Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Gaalkacyo

Madaxweynaha  Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf  ayaa ka hadlay weerar qaraxyo ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Xaaf ayaa ugu horeeyn tacsi u diray dhamaan ehelada dadkooda ay ku geeriyoodeen qaraxii ka dhacay Gaalkacyo.

“Aniga oo ku hadlaya magaceeyga iyo ka shacbiga Galmudug, waxaan tacsi u dirayaa Eheladii, Qaraabadii& Asxaabtii ay ka baxeen dadkii Saaka lagu laayay weerarkii ay Al-shabaab ay la beegsatay Magaalada Gaalkcayo, kaasi oo sababay Dhimashada ku dhawaad 20 ruux iyo tiro dhaawac ah” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf

Madaxweynuhu waxa uu weerarkaasi ku sifeeyay mid bahalnimo, waxa uu-na aad u boggaadiyay ciidamada ammaanka Galmudug oo si dhaqsi leh u soo afjaray, islamarkaana noolasha ku qabtay mid kamid ah alshabaab weerarkaasi ka danbeysay.

Uga danbeyntii waxa uu madaxweynuhu faray laamaha Amniga in ay xoojiyaan dadaalkoodu ku aadan xaqiijinta Nabadgalyada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post