Kenya-[Puntland Post]-Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa maanta ka furmaya shirka Dhaqaalaha Badaha,iyadoona dawlada soomaliya uu uga qeyb gali doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay Gelinkii dambe gaaray Magaladasi.
Shirkan ayaa lagu wadaa in uu socdo mudo sadex cisho ah waxana looga hadli doona horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.
Shirkan waxa ka qeyb gali doona in kabadan 4000 oo qof waxana si wada jir ah u soo qaban qaabiyey wadamda Canada, Japan iyo Kenya,
Cabdiqani Boos
Puntland Post