Madaxda Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay dadkii lagu dilay qaraxyadii Xamar iyo Gaalkacyo

Muqdisho (PP) ─ Mas’uulyiinta ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay qaraxyo ay maanta Al-shabaab ka kala geysatay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin falalkaas.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyanha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu ka tacsiyeynayo geerida dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay weeraradii maanta ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed oo ay Al-shabaab ku dileen qaraxyo ay ka geysteen Gaalkacyo iyo Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka oo ahaa mid kooban.

Sidoo kale, Tacsi ayaa waxaa diray guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

“Falalka ay Al-shabaab ku dishay dadka shacabka ah waa kuwo aad u xun oo naxariis-darro ah, waxaana intii dhimatay aan u rajeynaynaa naxariis ALLE, kuwii dhaawacmayna waxaan u rajeynaynaa caafimaad dhaqso ah,” ayaa lagu yiri warbixinta madaxda Qaranka.

Marka ay dhacaan qaraxyo waxyeello xooggan geysta ayay madaxda dalka waxay ku ekaadaan cambaareyn, iyadoo aysan jirin wax ka qabasho intaas dhaafsiisan iyo in kooxaha falalkaan geysanaya tallaabo adag laga qaado.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa Qaraxyo ay maanta ka geysteen Gaalkacyo iyo Muqdisho waxay ku dileen ku dhawaad 20-ruux oo shacab ah oo ay carruur iyo haween ka mid yihiin.

PUNTLAND POST