Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgooyska mashquulka badan ee Kaawo-Godeey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Waxaa qarxay gaari nooca loo yaqaano Specio waxaana uu ku qarxay goob dad badan ay sugnaayeen.

Goobjoogayaal aan la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Waxaa xusid mudan in sanadkii hore uu ka dhacay qarax khasaare badan geystay halka uu maanta qaraxani ka dhacay.

PUNTLAND POST