Danab “Waan soo afjarnay howlgalkii Gaalkacyo, waxaana qabanay mid kamid ah ragii weerarka fuliyay”

Taliska ciidamada Danab ee Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay weeraro qaraxyo iyo toos ah oo saaka ka dhacay magaalada koonfurta magaalada Gaalkacyo .

Cabdicasiis Cabdullaahi Taliyaha ciidamada Danab ee Galmudug oo la hadlay wariyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka uu weerarkaasi u dhacay.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Danab iyo kuwa Galmudug ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan weerarkaasi islamarkaasina ay toogtaan 3 kamid ah dadkii weeraray mid kamid ahna ay gacanta ku hayaan isaga oo dhaawac ah.

Ku dhowaad 20-ruux ayaa ku dhimatay qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay saaka koonfurta magaalada Gaalkacyo, khasaaraha ayaa laga yaabaa in uu intaasi ka bato.

Hoos ka dhageeyso codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho