Xaliimo Yarey “2020-ka Soomaaliya waxaa ka dhaceysa doorasho qof iyo cod ah”

Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey oo ka hadashay munaasabad maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay doorashada madaxtinimo ee sanadka 2020-ka ka dhacey dalka.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in guddigooda uu rajo weyn ka qabo in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah dadkana ay u dareeri doonaan marka lagaaro sanadka 2020-ka.

Waxa ay shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan iyo xukuumada ugu baaqday in ay kaalin ku siiyaan sidii doorashadaasi qof iyo codka ah ay uga dhici laheyd Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa isku dayeysa inta aan lagaarin doorashada 2020-ka in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada ay ku suganyihiin ee gobolada dalka.

Dad badan ayaa aaminsan in aanay suurtagal aheyn in sanadka 2020-ka dadka Soomaaliyeed ay u dareeraan doorasho cod iyo qof ah sababo xaalada amaan iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso codka Xaliimo yarey.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho