Musharixiintii ugu badnaa ee Koonfur Galbeed oo is casilay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in ay is casileen maanta xubnihii ugu badnaa ee musharixiinta doorashada madaxtinimo ee maamulkaas u taagneyd.

Musharixiintaan oo tiradooda ay gaareyso ilaa 5 Musharax ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen u tartamida doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi.

Musharixiinta ayaa shir ku yeeshay magaalada Baydhabo iyaga oo go’aankaasina gaaray iyaga oo is casilaadoodana ku sababeeyay faragalin ay ku heyso dowlada Soomaaliya.

Magacyada Musharixiinta is casilay.

1- Maxamed Aadan fargeeti

2- Yuusuf Macalin Baadiyoow

3- Saalax Sheekh cismaan

4- Xuseen Kacaan

5- Xasan Amiin

Mid kamid ah musharixiintaasi oo la hadlay wariyaasha ayaa ka warbixiyay sababaha ay uga tanaasuleen in doorashadaasi ay ugu tartamaan.

Hoos ka dhageyso codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho