Ciidamada Booliska oo howlgalo ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo xalay ka sameeyay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan oo ahaa kuwo balaaran ayey ciidamada amaanka ay ka sameeyeen xaafadaha degmada Hodan ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa baarayay guryaha iyo gaadiidka iyo sidoo kale dadka lugeynayay ee ku socdaalayay degmadaasi Hodan ee Muqdisho.

Inta howlgalka uu socday ayaa ciidamada waxaa ay ku soo qabteen dad aad u farabadan kuwaasi oo u badan dhalinyaro looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca falal amni daro oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay geystaan Al-shabaab.

PUNTLAND POST