Wasiir Bayle oo Shaaciyay in dhaqaale loogu Deeqay Soomaaliya laga Maamulay Turkiga

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlayay kulankii maanta ee baarlamaanka Somalia ayaa iska difaacay eedeyn kaga timid Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin warbixinta guddiga.

Wasir Beyle ayaa sheegay in lacagtii 50-ka Milyan ahayd ee Sacuudiga ugu deeqay Somalia aysan ku dhicin Bangiga Dhexe ee Dalka, laakiinse ay ku dhacday Bangi ku yaalla dalka Turkiga, halkaasoo uu sheegay in lacagtaa laga maamulay.

“Waxaan ku shaqaynaa nidaam Caalami ah, waxaana nagula xiray 14-qodob oo habeen waliba nagula yiraahdo. Guddigu waxay ahayd inay annaga nala tashadaan intii ay warqad u qori lahaayeen warbaahinta, annagaa ku jirna ceelka guntiisa’e, Arrintaan waxay nagu noqotay dhabar jab iyo in dib noola celiyo,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyaddu wuxuu xusay inay hoos u dhacday lacagihii shaqaalaha, isla markaana aysan Imaaraadka ka imaan lacagtii laga sugayay ee ay ugu tala gashay Dowladda Federaalka Somalia.

Dhanka kale, Wasiirku wuxuu ku eedeeyay xubno Guddiga Maaliyadda BFS ka mid ah inay ku haystaan inuu u fuliyo dano gaar ah, isagoo warbixinta ku tilmaamay mid mala awaal ah.

Kulanka Baarlamaanka oo ahaa mid xasaasi ahaa ayaa ka sokow doodaha adag ee dhex-maray Xildhibaanada waxaa wehliyay buuq mararka qaar hareynayay kulanka, waxaana kulankii maanta ka dhex-muuqday wasiirada xildhibaanada ah oo kusoo tala-galay inay is-difaacaan.

Xildhibaanno tiradoodu tahay toban oo ka mid ahaa kuwii warbixintan wax ka saxiixay ayaa kasoo horjeestay, iyagoo sheegay inaysan waxba ogeyn oo aan lagala tashan diyaarinta warbixinta oo sheegaysay inay xukuumadda ku maqan tahay in ka badan 20-milyan oo aan la ogeyn sida ay ku baxday.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baalramaanka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xigay ayaa raalli-gelin ka bixiyay warbixinta guddiga maaliyadda ay soo diyaariyeen, isagoo sheegay inaan la soo marin dariiqyadii ay waajibka ahayd inay soo marto.

PUNTLAND POST