Toogasho caawa ka dhacday Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa caawa  agagaarka Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo halkaasi marayey.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warqabadka Puntland Post u xaqiijiyey in rag bastoolado ku hubeysnaa ay toogteen askaran oo ka tirsanaa xiidamada diwladda oo ku sugnaa meel ku dhow Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo goobta gaaray uma suurta-galin inay gacanta ku dhigaan kooxdii dilka geysatay, balse waxaa ay halkaasi ka qaadeen meydka askariga la dilay.

Xasan Maxamed Samatar (Cowke)

PUNTLAND POST (Muqdisho)