Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Kampala lana kulmay Yoweri Museveni

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda halkaasi oo booqasho hal maalin ah uu ku tagay.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Kampala.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay dhigiisa dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arimo ay kamid tahay dagaalka Al-Shabaab iyo sidii guulo looga gaari lahaa.

Warsaxaafadeed goordhow ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya oo ku qornaa afka ingiriiska ayaa faah faahin looga bixiyay waxyaabaha ay ku wada hadleen labada madaxweyne.

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalo baryihii ugu dambeeysay ku marayay wadamada Talyaaniga Turkiga iyo hadda uu ku suganyahay Uganda.

Hoos ka Daawo Sawirada

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho