Al-shabaab oo weerar ku dilay Tiro Ciidammo ah – Qaraxna ku dhaawacay Sarkaal Sare

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 10-askari ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerar gaadmo ah oo Al-sabaab ay ciidan ka tirsan kuwa dowladda Somalia kula beegsadeen inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid qorsheysan, ayna la beegsadeen gaadiid u socday degmada Jowhar oo ka tagay Muqdisho, taas oo keentay in qarax lala beegsado taliyaha guutada 1-aad ee ciidanka XDS, Jen. Ibraahim Yuusuf oo doonayay inuu gurmad u fidiyo ciidamada weerarka lagu qaaday.

Taliyaha ayaa la sheegay in daawiciisu uu fudud yahay, inkastoo dhawr askari oo la socday ay qaraxa ku dhinteen, waxaana taasi ay keentay inay ciidamadii la weeraray heli waayeen gurmadkii ay u baahnaayeen.

“Askarta ku dhintay weerarka waxay gaarayaan 10-askari, kuwo kalena oo dhaawacyo qabanna waxaa lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Jowhar, halkasoo lagu daweynayo,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada DFS eek u sugan Jowhar.

Sidoo kale, Ciidamada la weeraray ayaa la sheegay inay wateen baabuur noociisu ahaa Surf iyo gaari kale oo bas ah, waxaana tani ay imaanaysaa xilli maamulka HirShabeele uu dhawan ka cawday dhibaatooyin ay kooxda Al-shabaab ka waddo waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

Dhanka kale, Ma ahan markii ugu horreysay oo xoogag ka tirsan Kooxda Al-shabaab ay weeraraan ciidammo iyo xubno ka tirsan maamulka HirShabeele oo waddadaas maraya, iyadoo sannadkan lagu dilay waddadan xildhibaanno ka tirsan maamulka HirShabeele.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka HirShabeele ayaa laga sugayaa inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka soo laalaabtay eek a dhacaya waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

PUNTLAND POST