Wasiir Maareeye oo ku hanjabay in shuruuc ay kasoo saari doonaan Dhoofinta Dhuxusha


Muqdisho (PP) ─
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Somalia, ayaa sheegtay inay waddo dadaal ay ku doonayso inaan dalka laga dhoofiyo gabi ahaan waxyaabaha ay mamnuucday Dowladda Somalia oo ay ka mid tahay dhuxusha, sidoo kalena dalka lasoo galiyo waxyaabo aan tayo lahayn.

Wasiirka Ganacsiga Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa maanta u sheegay hadalka warbaahinta qaybaheeda kala duwan, isagoo xusay inay ka go’an tahay soo saarista shuruuc adag oo looga hor-tagayo dhoofinta dhuxusho oo horay loo mamnuucay.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka ayuu sheegay inuu hor-keeni doono dhawaan sharciyo xadidi doona dhoofinta dhuxusha iyo ciqaabta ay la kulmi karaan kuwa ka ganacsada.

“Waxay dhoofinta dhuxushu dalkeenna ka dhigaysaa meel lama dagaan ah oo roobku ku yar yahay noloshuna adag tahay, Waayo dhirtii ayaa si xoog leh looga jarayaa, illaa maantana waxaa wada dhoofinta dhuxusha dad Soomaaliyeed oo ka faa’iideysanaya dekedaha badan ee dalku leeyahay ee laga dhoofin karo dhuxusha,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dhanka kale, Wasiir Maareeye ayaa xusay inay jiraan ganacsato aan shacabkooda u naxayn oo dhoofiya dhuxusha kuwaasoo uu xusay inay ka faa’iideysanayaan dowlad awood badan oo dalka oo ka talisa oo aan jirin xilligan, ayna la tiigsan doonaan sharciyo adag oo

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay ina wadaan qorshayaal ay doonayaan in waxyaabaha aan dalka looga baahnayn ama aan bulshada munaafacaad u lahayn laga joojin doono dalka, qaarkoodna lagu kordhin doono canshuurta si loo yareeyo keenistooda.

DHAGEYSO: Hadalka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia;

PUNTLAND POST