AKHRISO: Jawaabta laga bixiyay eeddii Musuq-maasuq ee Guddiga Maaliyada Baarlamanka

Muqdisho (PP) ─ Hanti-dhawrka guud  ee Qaranka, Maxamed Maxamuud Cali [Afgooye] ayaa xafiiskiisa kasoo saaray qoraal uu uga jawaabay eeddii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya uu u jeediyay Wasaarada Maaliyadda iyo Hay’addaha Dowladda inay ku kaceen wax is-daba-marin, maamul xumo iyo musuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka ee sannadkan, lana lunsaday dhaqaale badan.

Warbixinta Hanti-dhawraha Guud oo Cinwaan looga dhigay Iftiimin iyo Talo, ayaa loo diray guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo lagu ogeysiiyay madaxweynaha, waxaana lagu sheegay inay walaac ka qabaan qoraalka ka soo baxay guddiga maaliyadda, isla markaana uu ahaa qoraal gudaha baarlamaanka, balse u gudbay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Hanti-dhawraha guud ayaa xusay in dhamaan warqada guddiga shaaciyay ay kasoo hormareen waqtigooda, isla markaana aanay jirin talo ama xog hubin ah oo ay ka dalbadeen xafiisyadii u idmanaa hawlahan inta aanay soo bandhigin qoraalkooda.

Dhanka kale, Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ayaa ku taliyay saddex qodob oo kala ah: 1.  in dhammaan hey’addaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan xafiisyadooda u qaabilsan ilaalinta iyo kormeerka maamulka Maaliyadda iyo hantida umadda ayna ka war sugaan fulinta waajibaadkooda qaran. 2. in hey’addaha dowladda ay dhowraan habraacyada maamulka maaliyadda  ee dalka isla xisaabtankuna uu ku dhacaa si waafaqsan hanaanka dowladnimo. 3. in ay ciwaaqib yeelato marka la dhinac maro nidaamka dowliga isla markaana la qalqal geliyo xasillinooda iyo horumarka qaranka

Ugu dambeyn, Qoraalka kasoo baxay xafiiska hanti-dhawrka guud ee dalka oo u muuqda mid difaacaya xukuumadda ayaa kusoo beegmaya, xilli berri loo balansan yahay in baarlamaanka uu cod u qaado sharciga Hanti-dhawrka guud.

PUNTLAND POST