Musharax Siciid Deni oo Bosaso lagu soo dhaweeyey,

Bosaso[Puntland Post]-Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u taagan Xilka Madaxweyne-nimada Puntland Doorashada 2019 ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso, waxana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Siyaasiyiin,Ganacsato, Aqoonyahano, Isimadda Dhaqanka, Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo Taageerayaasha Musharax Deni oo aan u kala harin soo dhaweyntiisa.

Musharaxa ayaa ugu horeyn ka hadlay arrimaha Ammaanka ee magaalada Boosaaso iyo waxyaabaha ka taagan, wuxuuna ku eedeeyey Xukuumadda waqtigeedu dhamaaday in ay ku guuldareystay maareynta howlaha Ammaanka.

Musharaxa ayaa sheegay in Xukuumadda hadda jirtaa ay gabi ahaanba ku fashilantay u shaqeynta Shacabka iyo ka shaqeynta in ay Amni ku seexdaan.
“Amniga Airporka Bosaso in la sugo maaheyne, Amniga magaalada in la sugo ayay ahayd, In maanta la yiraahdo amnigii ayaa xumaaday maahan wax ay sugayeen Reer Puntland, magaalada Boosaaso wax ka dhacayana sax maahan, waxaan rabaa Amniga in laga wada qeyb qaato, Maamulkuna uu hormuud ugu noqdo Xiliyada doorashada iyo madaxda doorashada u socota kaliya maahane, Dadka Muwaadinka ah amnigooda in laga shaqeeyo weeye’’ ayuu yiri.

Musharaxa wuxuu bogaadiyay shacabka reer Puntland dadaalkii ay ku bixiyeen Dowladnimada Soomaaliya, wuxuu ballan qaaday in uu Hormuud u noqon doono Puntland cusub taas oo aysan koox gaar ahi laheyn ee Shacabku wada leeyahay.

“Xariirka ka dhaxeeya Dawladda Faderaalka iyo dawladda hadda jirtaa oo ayaamahan la leeyahay dib baa loo fiirinayaa waa riwaayad dadka loo dhigayo, Faderaalka Puntland ayaa dhistay cidna marti ugama ah, ilaalintiisa waajib ayaa ka saaran Madaxweynaha Puntland ee hadda jooga Raysalwasaare ayuu kasoo noqday Faderaalka dhibta jirtana wuu la socdaa’’ayuu yiri musharaxu.

Mudane Siciid Deni wuxuu sheegay, in aan la aqbali karin in kaabayaasha dhaqaale ee magaaladii isha dhaqaalaha Puntland, ee Bosaso oo ay kamid yihiin Dekedda iyo waddooyinka, aan waxba lagu celin, wuxuuna ballan qaaday haddii la doorto in xukuumaddiisu ay canshuurta shacabka laga qaado dib ugu celin doonto magaalada Bosaso.

“Waxaa wax lays weydiinayo ah xaggee ku baxay dhaqaalihii Puntland,hadii uusan ku bixin ciidamadii, Dibu heshiisiintii, Amnigii iyo maamulkii, waa su’aal lays weydiinayo, waxaan u baahnahay in la xisaabtamo, waxaa xaqiiqo ah in dakhligii soo xaroonayay in shirkado gaar ah jeebkooda ay galeen, waxaad ka war qabtaan in Dakhliga kasoo xarooda Dekeda Boosaaso ay 3% qaataan niman shirkado ah, wax sax ahna maahan, Waxaad og tihiin dhaqaalihii shirkaddii dekeda la wareegaysa soo gudbisay ee ahayd 20 Malyan in aan waxba laga siinin magaalada Boosaaso, dhaqaalihii meesha uu aaday waa lays kala xisaabtamayaa, dalkaan intuu aamusnaan karay wuu aamusnaaday, codka Shacabka ayaan rabnaa in uu kor u kaco, magaaladan waa magaaladii Soomaali oo dhan soo dhaweysay, waana meesha kaliya ee Qaxooti Ajnabi ah joogaan, Dhaqaalaha Puntland iyo Soomaaliyaba halkan ayuu ka bilowday, haddana waad arkaysaa in laga guurayo magaalada Boosaaso” ayuu yiri Musharax Siciid Cabdullaahi Deni.

Musharraxu wuxuu ku dheeraaday Musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira Xukuumadda hadda talisa, wuxuu ballan qaaday in isla xisaabtan dhab ah uu iman doono.

“Waxaad og tihiin in dalkaan dhaqaalihiisii in la lunsaday oo uu galay jeebabka dad gaar ah, waxaan ogahay in dhaqaalihii dadka laga qaaday uu camiray magaalooyin kale oo ka baxsan Soomaaliya oo lagu maalgaliyey saxna maahan” ayuu yiri.

Musharax Siciid Deni ayaa Duullaan qaawan ku tilmaamay daan-daansiga ay Somaliland ka waddo Gobalka Sool, wuxuu sheegay inay tahay arrin Dastuuri ah oo aan wada xaajood laga geli karin, wuxuuna qiray in Dowladda hadda jirta ku guuldarreysatay Howl galinta Ciidamada Tukarraq ee isaga yimid daafaha Puntland..

“Waxaad markhaati ka tihiin markii Tukaraq la qabsaday hadda oo gardaradda duulaanka qaawan lagu soo qaaday, dadkii min Raascaseyr, Saaxo ilaa Towfiiq dadku iyagoo aan la xisaabtamin dawladooda ayay ciidamado iyo calaf iskugu geeyeen, dawladda hadda joogtaa waxay ku guuldareystay in ay howlgaliso ciidamadaas, Sharaftii Puntland soo celiso, xaduudihii Puntland ay sugto, arrintaas waa arrin Dastuuri ah, maahan arrin ku aadan rabitaanka qofka madaxda ah, Waa arrin la rabo in qof walba oo Puntland ah u istaago” ayuu yiri.

Siciid Deni wuxuu ka hadlay arrimaha doorashada iyo guddiyada khilaafaadka wuxuuna ka digay inaan qabaa’ilka iyo Isimada lagu mashquulin khilaaf sidoo kale aysan xukuumadda hadda jirta soo faragalin guddiyadaas.

Ugu dambeyn Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ballan qaaday haddii la doorto in xukuumaddiisu la imaan doonto Dowladnimo hufan, dowladnimo loo dhan yahay oo aysan koox yar talada la wareegin, codka shacabkana ku shaqeysa.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso