Maxaa loo jabiyay go’aankii maamulka Karkaar ee Barxadda Qardho?

Waxaa maanta jabay go’aan uu horey u soo saaray maamulka gobolka Karkaar ee Puntland, kaas oo lagu mamnuucay in barxadda magaalada Qardho aysan kala hadli karin musharaxiinta Puntland taageerayaashooda.

Bishii Oktoober 4-dii 2018 Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdilaahi Maxamed Bare Caato ayaa war uu soo saaray ku sheegay in laga joojiyay musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamanakaba in ay taageerayaashooda kala hadlaan barxadda weyne ee magaalada Qardho.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar ee Puntland ayaa go’aankaas ku macneeyay in baraxdda magaalada Qardho ay ku dhow-dahay xarumo dowlo, oo sababo amni owgeed looga mamnuucay isu soo baxyadda.

Maalin kahor intii aan go’aankaas la soo saarin waxaa barxadda Qardho laga hor-istaagay in uu taageerayaashiisa kala hadlo Faarax Cali Shire oo kamid ah musharaxiinta Puntland 2019, wuxuuna markii dambe dadkii isugu soo baxay kala hadlay goob kale, warar ayaa sheegay in hor-istaagaas ay ka dambeyay Madaxtooyadda Puntland.

Musharax Faarax Cali Shire oo Hoteel hortiis kala hadlaya taageerayaashiisa Qardho

Dhanka kale shacabka magaalada Qardho ayaa xiligaas go’aanka ka soo baxay maamulka gobolka Karkaar ka soo hor jeensaday, waxayna sheegeen in Qardho ay lamid tahay magaalooyinka kale ee Puntland, aysana jirin sabab musharaxiinta looga mamnuuco barxadda.

Ilaa iyo xiligaas la mamnuucay in barxadda magaalada Qardho aan musharaxiintu kala hadli karin taageerayaashooda ma jirin musharax yimi Qardho iyo go’aan dambe oo lagu buriyay kii hore.

Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 22 Noofember 2018 ayaa Musharax Maxamuud Khaliif Xassan (Jebiye) si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho, wuxuuna taageerayaashiisa kala hadlay fagaaraha barxadda, oo horey looga mamnuucay isu soo baxyadda.

Musharax Jabiye oo taageerayaashiisa kala hadlay barxadda Qardho

Ilaa hadda lama yaqaan sababta uu u buray go’aankii hore ee maaamulka gobolka Karkaar ku mamnuucay in barxadda magaalada Qardho aysan kala hadli karin musharaxiinta Puntland taageerayaashooda.

PUNTLAND POST