Al-shabaab oo weerar ku qaaday Balad-Xaawo

Wararka naga soo gaaraya degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo oo dhacda xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay xalay saqdii dhexe halkaasi weerar ku qaadeen.

Al-shabaab ayaa dhowr jiho weerarka kaga soo qaaday degmada Balad-Xaawo iyada oo ciidamada dowlada ay isaga baxeen degmadaasi muddo koobana ay heysteen Al-shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ay degmadaasi ku dilay nabadoon caan ka ahaa degmadaasi Balad-Xaawo oo lagu magacaabi jiray nabadoon Dhaqane waxaana sidoo kale ay wateen labo wiil uu dhalay nabadoonka.

Gudoomiyaha degmada Balad-Xaawo oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in ay la hadli doonaan saaxaafada saacadaha soo socdo.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degmadaasi ayaa waxa ay sheegayaan in hadda xaaladu ay tahay mid dagan islamarkaasina Al-shabaab ay dib uga baxeen ciidamada dowladana ay dib u la wareegeen.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post