20-Dagaalame Oo lagu dilay Dagaalkii Gandarshe iyo Qasaaraha oo Wali sii Kordhaya

Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Xaqiijiyey inay Dileen in ka badan 20-dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo isku dayey inay Difaacaan Deegaanka Gandarshe oo ay weerareen Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ugu danbeyntii maanta la wareegay gacan ku heyntiisa.

Deegaanka Gandarshe oo saaran Xeebta Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose oo sida la sheegay ahaa Deegaan Muhiim u ah Al-shabaab isla Markaana ay ka Abaabuli jiraan Weerarada ay geystaan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay puntlandpost ayaa Xaqiijiyey inay dileen kuwaad 30- ka tirsan Askarta Al-shabaab  oo 20-ka mid ah meydadkooda ay wali yaalaan Deegaanka Gandarshe.

Gudoomiyaha ayaa Sheegay inay sii wadi doonaan Dagaalka ilaa ay Al-shabaab ka saaraan Deegaanada Gobalka Shabeelaha Hoose oo ka mid ah meelaha Al-shabaab ay ugu xoogan miyihiin Gobalada Koofurta Soomaaliya.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post (Muqdisho)