Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo ka digay in Carruurta laga dhigto Askar

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Gaashandhiga Somalia, Xasan Cali Maxamed ayaa maanta sheegay in Wasaaradda Gaashaandhiga ay xooga saareyso sidii ay uga hor-tegi lahayd in carruurta la askareeyo.

Wasiirka ayaa sheegay in askareynta carruurta ay tahay dambi heer caalami ah, wasaaradiisana aysan aqbali doonin oo ay sharciga la tiigsan doonaan ciddii lagu helo inay askareyso carruur.

“Maanta waa maalin muhiim ah, maadama ay tahay maalinta xuska caruurta adduunka waxaan rabaa inaan kaga faa’iideysto inaan sii xoojiyo sharciga Dowladda Somalia iyo sharcig caalamiga ah ee QM uga yaalla in carruur aan la askareyn karin, innaguna waxaan ku baaqaynaa inaan carruurta aan qaan-gaarin loo adkeegsan karin askar ahaan,” ayuu yiri wasiirka Xasan oo la hadlay warbaahinta.

Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaa lagu eedeeyaa in wax sidaa u sii weyn aysan ka qaban askareynta carruurta, laakiinse hadda waxay u muuqataa in ay xooga saarayaan sidii ay wax kaga qaban lahaayeen arrintan.

Kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia ayaa iyaduna dhankeeda lagu eedeeyaa inay askar ka dhigayo carruur aan qaan-gaarin, iyadoo kooxda aysan weli ka hadlin eedeyaha ku aaddan inay carruur aad u da’ yar ay ka dhigtaan askar ay ku dagaalamaan.

Ugu dambeyn, Hadalka wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo gaadiidka ay isticmaalaan Ciidanka Dowladda Federaalka, gaar ahaan Millateriga lagu arko mararka qaarkood carruur yar-yar oo ku labisan dharka ciidamada, isla mar ahaantaana haysta qoryaha daran-doorriga u dhaca.

PUNTLAND POST