Berbera-[Puntland Post] Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan magaalada Berbera ayaa saaka booqdey bilowga dekedda cusub ee shirkadda DP World dhisayso oo cabbirkeedu dhan yahay 400 mitir, isaga oo maamulka dekedda Berbera amray in hannaan caddaalad ah loo maro wax kasta oo lagama maarmaan u ah taabbo-gelinta dhismahaas, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland mar walba mudnaanta koowaad leedahay.
“Qoladiinna dekedda maamusha waxa la idinka rabaa halkaas wixii shaqo iyo qandaraas ka baxayaa inay caddaalad ku baxaan oo aanay cabasho kasoo noqonin, qoladanna (DP World ) waa in sidaa lagu kaantaroolaa oo ay sharciga lagu heshiiyo ku socdaan, ta labaadna wax Somaliland karayso oo qalab ama aqoon ah waa inaan cid kale keenin, waqtigana waa inaad ilaalisaan.” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
hoos ka daawo Muuqaalka.
Cabdiqani Boos
Puntland Post