Shacabka Burco oo ka horyimid socdaalka Muuse Biixi Cabdi

Burco-[Puntland Post] Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal ku maraya gobolada Bari ee Somaliland, waxaana xalay uu ku hoyday magalada Berbera, iyada oo lagu wado in uu tago magalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Shacabka magaalada Burco ayaa waxa ay sheegeen inaysan u diyaar garoobin soo dhaweynta Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana aysan diyaar u aheyn inay soo dhaweeyaan.

Qaar kamid ah dadka Burco oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi ay ku dhaliilayaan in uu howlo kale kaga mashquulay, isla markaana howlo badan ay u baahnaayeen shacabka gobolka Togdheer uu diiday.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post