Dagaal ka socdo duleedka Guriceel

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu haatan ka socdo deegaanka Dhagaxyaale Oo 50.Km u Jira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaasi ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay deegaankaasi soo gaareen.

Ciidamada Galmudug ayaa dagaal kala hortagay ciidamada Al-shabaab ee halkaasi gaaray.

Illa iyo hadda lama oga khasaaraha dagaalkaasi uu geeystay .

Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post