RW Xasan Khayre oo sheegay inay ururiyeen canshuurtii ugu badnayd muddo 30-sano ah

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa shirka looga hadlayo ganacsiga Somalia ee Muqdisho ka furmay maanta ka sheegay in ganacsadatada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaateyn kobaca dhaqaalaha dalka.

Khayre ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay xukuumadiisa kasoo ururiyeen canshuurtii ugu badnayd muddo 30-sanadood ah wuxuuna ku bogaadiyay garab istaaga xukuumadiisa.

Sidoo kale, Xasan Kheyre ayaa sheegay in sannadkii aanu kasoo gudubnay ee 2017-ka ay ganacsatada Soomaaliyeed ay canshuur ahaan Dowladda FS u siiyeen lacag farabadn oo ay ku kabeen miisaaniyadda Dowladda, sidaas si la mid ahna ay sanadka 2018-ka ay ka rajeynayaan dhaqaale ka badan intaa sida uu sheegay.

“Tani waxay ku timid waa ilaalinta ammaanada, waayo ammaanada ayaa ah dowladnimada dhabta ah, waana tan keenta dal mustaqbal leh,” ayuu ku yiri hadal uu Khayre ka jeediyay shirkan, isagoo ammaanay ganacaada oo uu ku sheegay inay bixiyeen canshuurihii loo baahnaa.

Dhanka kale, Hadalka Ra’iisul Wasaarha Somalia ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay shacabka Soomaaliyeed qaarkodo ka cabanayaan inaanay jirin wax-qabad muuqda oo loogu qabtay canshuurihii ay Dowladda dhexe siiyeen.

Ugu dambeyn, Shacabka Muqdisho oo ah canshuur bixiyeyaasha ugu badan ee Dowladda Federaalka ah ayaa waxay sheegeen inaysan haysan ammaan ay isku halleyn karaan, xilli dhawaanahan Muqdisho ay ka dhacayeen dilal ay geysanayaan kooxo hubeysan.

DHAGEYSO: Hadalka Ra’iisul Wasaaruhu uu kaga hadlay Canshuuraha;

PUNTLAND POST