Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed oo baaq kasoo saartay Xaaladda Soomaaliya

Muqdisho-[Puntland Post]-Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa baaq  ka soo saartay Xaaladda  Soomaaliya Xilli ay jiraan maalmihii  Khilaaf u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

Hay’adda  ayaa soo saartay dhowr qodob oo ku saabsan Xaaladda dalka, iyo khilaafyada ka dhex jira Madaxda Maamulada iyo dawlada dhexe.

1:  Dhammaan Mas’uuliyiinta dalka,sida Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,waxaa waajib ku ah in ay ku dhaqmaan waxa alle uu faray oo ah inay sameeyaan wadatashi ku saabsan samatabixinta dadka Soomaaliyeed iyo in ay sidegan wax isku-dhaafsadaan.

2: Waa inay fuliyaan kana dhabeyaan dhaartii ay ku dhaarteen inay u Shaqeeyaan,Diintooda Dalkooda,dadkooda oo ay dadka hortooda ka balan qaadeen.

3:Waxaa Waajib ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay dadaal dheeri ah ku bixiso mideynta dhinacyada Siyaasadeed ee dalka ka jira,sida xukuumadda iyo Dowlad goboleedyada.

Sheekh Nuur Baaruud  oo ka mid ah Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa soo jeediyay in Dowladda Federaalka ah ay dalka amankiisa ka shaqeyso islamrkaana lagula xisaabtamayo dhibaatada haysata shacabka isaga oo xusay in aysan cudur daar u heleyn in maalin kasta shacabka Soomaaliyeed la laayo.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post