Ra’iisul wasaare Kheyre oo guul u rajeeyay Xulka Soomaaliya oo la ciyaaraya Itoobiya

R’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka qarankeena Soomaaliya galabta ay la leeyihiin dhigooda dalka Itoobiya.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in uu guul u rajeynayo ciyaartoyda dalkeena Soomaaliya.

Ciyaar xiiso badan ayaa goordhow ka dhici doonto dalka Itoobiya oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah kulan ka tirsan isreeb reeb-ka Olombikada aduunka oo sanadkan lagu qabanayo dalka japan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho