Mudanayaasha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda sannadkan 2018.
Ku noqoshada miisaaniyadda 2018 ayaa waxaa si wadajir ah usoo diyaariyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka.
153 mudane ayaa ogolaaday ku noqoshada miisaaniyadda, 2 xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 3 xubnood oo kale.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo kulanka ka hadlay ayaa golaha shacabka ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen.
PUNTLAND POST