Muqdisho-[Puntland Post]-Golaha Shacabka ee BJFS ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaadda ka taagan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ku hadlaayay magaca Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin colaadda ka soo cusboonaatay gobolka Galgaduud.
Guddoomiye Mahad ayaa dawladda Soomaaliya ka codsaday iney xoogga saarto joojinta colaadaas iyo in beelaha walaalaha la heshiisiiyo.
hoos ka daawo Muuqaalka baaqa
Cabdiqani Boos
Puntland Post