Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa in uu saaka hakad ku yimid shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,kadib markii uu dab qabsaday qayb kamid ah garoonka.
Maqaaxi ku taalla qaybta ay ka baxaan duullimaadyada caalamiga ah ayaa la sheegayaa in uu ka kacay dabkan oo ka dashay cillad dhinaca korontada ah.
Gaadiidka dab-demiska garoonka Aadan Cadde ayaa haatan bakhtiiyay dabkii halkaasi ka dhashay,lamana sheegin wax khasaare nafeed ah oo uu sababay.
Hase yeeshee tiro kamid ah duullimaadyada caalamiga ah ee garoonka Aadan Cadde ayaa mudda saacado ah dib u dhacay,sida laga soo xigtay qaar kamid ah shaqaalaha haga diyaaradaha garoonka.
PUNTLAND POST