Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandheeyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018 uu magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumaddiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid iyo Isku-beddel

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir Magaca Xilka
1. Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

2. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

3. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

Tir Magaca Xilka
1. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

2. Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

3. Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

4. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

5. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

7. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

PUNTLAND POST