Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ah xildhibaan hore oo kamid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaasina goobjoog ka ahaa qaraxyadii qasaaraha geeystay ee galabta ka dhacay Muqdisho.
Cabdi Barre ayaa sheegay in uu indhihiisa ku arkay meeydadka 47-ruux oo kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii is xig xigay ee ka dhacay galabta Muqdisho.
” Inta aan tirakoobkooda qaaday waxa ay ahaayeen 47 qof intaan arkay waxaa ku jiray haween Boqolkiiba sideedan dadka dhintay waa ay gubteen Dowlada dadka amaankooda xil ha iska saarto ” ayuu yiri Xildhibaan hore cabdi Barre jibriil.
Qaraxyo is xigay oo qasaare geeystay ayaa maanta ka dhacay Muqdisho dadka dhintay ayaa waxa ay u badnaayeen dad saarnaa gaadiidka dadweynaha ee BL-ka iyo kuwa Bajaajta oo uu qaraxa qabsaday.
Hoos ka Dhageeyso Codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho