Wasiirka arimaha gudaha XFS oo gaaray Baydhabo

Wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiir Sabriye  ayaa magaalada Baydhabo waxaa uu kulamo kula leeyahay madaxweynaha Koonfur galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee maamulkaasi Koonfur Galbeed.

Kulamadaasi ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii ay doorashada maamulkaasi ay ugu dhici laheyd waqtigeeda oo ah 17-ka November.

Dhinaca kale warar soo baxaya oo ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Shariif Xasan Sheekh Aadan lagu wado in uu iska casilo xilka madaxtinimo ee maamulkaasi iyo u tartamida markale doorashada Koonfur Galbeed.

Wariyaasha ayaa hadda looga yeeray xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur-Galbeed oo lagu wado in uu shir jaraa’id ku qabto madaxtooyada islamarkaasina is casilaadiisa uu ku shaaciyo.

Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post