Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka madaxtinimo ee maamulkaasi isaga oo dhinaca kalena iska casilay u tartamida doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi.
Kulamo waqti badan qaatay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ku wada qaatay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shariif Xasan oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi isaga oo sheegay in uu u tanaasulay shacabka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya.
Xilka madaxweynaha koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa si KMG ah waxaa u sii heeynaya gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Cabdiqaadir Shariif Shuukhunaa Mayee.
Faah Faahinta dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post