Ilhaam Cumar iyo Rashida Tlaib oo noqday labadii gabdhood ee muslima oo kamida noqda Congress-ka Maraykanka

Ilhaam Cumar oo asalkeedu Soomaali yahay iyo Rashida Tlaib oo kasoo jeeda Falastiin ayaa noqday labadii gabdhood ee ugu horeeyey ee Muslima oo kamid noqda Congress-ka Maraykanka.

Ilham iyo Rashida

Rashida ayaa kasoo baxday Gobalka Michigan iyadoo siweyn ugu guuleysatay codadkii laga dhiibtay gobalkaas halka Ilhaam kasoo baxday Gobalka Minnesota ee ay Soomaalida ku badan tahay waxayna si xoogan uga adkaatay musharixii la tartamaayey.

Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan siweyn ayey ugu farxeen guusha Ilhaam Cumar oo ah mid tariikhiya, waxaana baraha bulshada qabsaday hambalyada loo diraaya Congress Ilhaam Cumar maadama loo arko inay taariikh baal dahaba ku qoran usoo jiidey umadda Soomaaliyeed.

Ilhaam ayaa Wadanka Maraykanka tagtay iyadoo 14-sano jirta kadib dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya, waxayna horay usoo noqotay xildhibaan katirsan baarlamaanka Gobalka Minnisota.

PUNTLAND POST