Wasiirada Amniga Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa maanta shir uga furmayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubaland.
Golaha ayaa ka kooban Dowlad Goboleedyada kala ah; Puntland,Jubaland,Koonfur Galbeed iyo Galmudug,waxaana ay shirkan kaga arrinsanayan dhismaha ciidamo isku’dhaf ah oo u gaar ah,sida lagu go’aamiyay shirkii ay Garoowe ku yeesheen madaxda Golaha Iskaashiga.
Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhiso ilaa 4 kun oo ciidamo isku’dhaf ah,kuwaas oo ay saami siman u qeybsanayan afarta Dowlad Goboleedk ee Kismaayo ku shiraya.
Dhammaan wasiirada Amniga Golaha Iskaashiga ayaa haatan ku sugan magaalada Kismaayo,waxaana sida qorshuhu yahay goor dhow furmi doona shirka.
PUNTLAND POST