Dagaal xalay ka dhacay Tukaraq

Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi dagaal mudda socday ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamada Puntland.

Dagaalka oo ambush ahaa ayaa bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamo Puntland ah ay weerar ku qaadeen laagta lagu magacaabo”LaagtaXagarta” oo kamid ah degaanka Tukaraq,halkaasoo talis ciidan u ah militariga Somaliland,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ma jirto wax faahfaahina oo laga hayo khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaallamay,hase yeeshee saraakiil ka tirsan ciidamada weerarka qaaday ayaa laga soo xigtay in ay khasaare gaarsiiyeen dhinaca Somaliland,balse Somaliland dhankeeda weli kama hadlin,mana jirto cid si madax-bannaan u xaqiijin karta khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.

Wixii faahfaahin ah oo ka soo kordha kala soco:Puntland post